Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kusoo dhawaada Edebdaradii Sanadka ( Qisada 2015, Taariikh qoran iga dheh

$
0
0

*Ninbaa laga sheegay ay wada faraka ciyaareen qabar yar, anigu ku sheegi maayee, shantu yaanay ku sheegin!

*Nin kalena waxaa laga hayaa; bahal ceeriin ma daayo, qofna caadadii ma daayo.

Muddaddii rubuc qarniga ahayd ee burburka Soomaaliya, aniga qisada iga yaabisay waxay ahayd  markii sharci lawada samaystay oo dhigaya in laba gobol iyo wixii ka badan ay dawlad noqon karaan, kadibna reero wax ka dega gobol iyo bar yiraahdeen aynu ku qabsanno ku qadi maynee oo Mudug iyo Galgaduud oo buuxa wada sheegano. Ogow markaa Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe wax dawlad ah ma leh maamulna kama jiro, waa edebdarro iyo carqaladayn ee la soco.

Indho adaygu waa sidaa, waxaa ka sii daran ku lahaa; Puntland inay dastuurka jebiso ma aha waayo Mudug iyo Galgaduud annagaa leh!! Maba xumayn haddii sifo sharci ah loo mari lahaa Mudug oo isku dhana walaaltinimo lagu raadiyo ee waxay gaartey ummad soo jireen ah oo weliba iyaga ka taariikh wacan lagu yiraahdo ANNAGAA IDIN LEH! Sannadihii tegey waxay ahayd Juballand iyo Shabellada Hoose annagaa leh laakiin qisadii qarniga waxaa noqotay dad la leeyahay annagaa idin leh!!.

Tusaale u qaado aan wallaahi lagu dambaabayn waa bil Ramadaane aabiga iyo daandaansiga indha adaygu weheliyo maalin dhoweyd waxaa lagu  ansixiyey tuulada boodhka weyn ee Cadaado wax lagu sheegay Dastuur, xubnihii baarlaman ku sheegga waa la dhammays tiray, dadka dega Waqooyiga Mudug, Bariga iyo Galbeedka hal xubin ah laguma darin, waayo markii horeba kamey qayb gelin, markaa in mooryaantu tiraahdo Soohdintayadu waa duleedka degmada Buurinle sow edebdarradii qarniga maaha!!…

Haddii qalin iyo xaashi dal lagu yeelan karo, malaha waxaa loo qaatey iney yiraahdaan soohdintayadu waa Badda Cas ilaa iyo Badeynta Hindiya, oo yaa ka xigey nin walbaa sow afkiisa ma leh, haddii nin doob ah yiraahdo afar dumar ah baan qabaa afkiisa sow isagu ma leh, maxay macne ah oo ay soo kordhin.

Ninka waraaqda ku qortay xudduudaydu waa Nugaal cidi kama dhiigyacabsana, mar aan sii fogeyn bay ahayd markii uu ku baryootamayey Garoonkii caalamiga ahaa ee Gaalkacyo ayaa la iga hor joogsadey inaan ka dego. Malaha xuduudda Nugaal iyo Garoonka waxa sokeeya garoonka, ma anaa is moodsiiyey mise ookiyaale Ayaan u baahnahay? Haddiise ay Puntland ka jilicsan tahay rootiga iyo keegga, maxaa horay loogu cuni waayey?

Malaha weriyayaashu su’aashan kuma baraarugine, iney weydiiyaan bay ahayd, ma gobol iyo bar baa dastuurkii jebiyey mise dal dhisnaa 17 sano. Kaba dhig in tallaabadan looga gol leeyahay in dadka lagu nacsiiyo federal, nin walbaa intuu waddanka ka deggan yahay iyo meesha uu ka talin karo waa is yaqaane maxay noosoo luggooyeen !!!!. waxaas oo dhan u daa Iska Hadlow Ina Igarre.

Dhamaaaaaaad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles