Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi heshay ayaa sheegaya in Ciidamada Brundi laga daad gureendoono Soomaaliya ayna baneynayaan goobaha ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya.
Taliska Ciidanka Amisom iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo iskusoo hadal qaaday Cida buuxin karta hadii Booska ay Baneynayaan kumanaanka Askari ee reer Brundi ayaa lasoo bandhigey dhowr qorshe, iyadoo meesha laga saarey ineysan suura gal ahayn xiligaan in Ciidamada Soomaaliya ay awoodaan inay booskaas buuxshaan.
Waxaa markii hore lasoo jeediyey in Wadan kale oo Afrikaan ah la keeno booskaas iyadoo taas suurtagal ahaanshaheeda aad u yartahay laba sababood owgeed, mida kowaad iyadoo wakhti qaadaneysa baadi goobka iyo isu diyaarinta wadanka badali kara Ciidanka Brundi, Mida labaad ayaa ah Ururka Boko Haram oo iyana fara kulul ku haya qaybo ka mid ah Afrika.
Sida Puntlandi Xogta ku heleen Labada Dal ee Itoobiya iyo Kenya ayaa si iskood ah oo mutadawacnimo ah isu keeney iyagoo sheegey labadaan dal mid walbaa goonidiis iney muddo bil gudeheed ah ku buuxin karaan booska hadii ay ciidamada Burundi baneeyaan, Arintaasna aad ayaa loo soo dhaweeyey.
Itoobiya ayaa waliba rajo wanaagsan ka muujisay in Ciidankeeda oo horey u joogi jirey Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayna hadda wali ka howlgalaan sirdoonkoodu ay u sahlan tahay iney balaariyaan Ciidankooda Soomaaliya jooga.
Puntlandi.com
Adis ababa