Warar dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in ka laabashadii uu Madaxweyne Barack Obama uu ka laabtay Inuu Safiirka Soomaaliya u magacaabo Katherine Dhanan ay aheyd Arimo siyaasadeed oo ku soo kordhey.
Katherine Dhanani ayaa ka laabatay soo jeedintii loo soo jeediyey iney noqoto Danjiraha Maraykanka u joogi doonta Soomaaliya, White house-ka ayaa iscasilaada Katherine ku tilmaamey mid shaqsiyan ah balse Wararka la helayo waxay sheegayaan in go’aanku uu ka yimid Wasaarada Arimaha dibada oo dib u dhigtey iney Safiir geystaan Soomaaliya xiligaan.
Wararka laga helayo Dublamaasiyiin jooga Nairobi waxay sheegayaan in Maraykanku ay aad uga niyad jabsan yihiin Siyaasada Hada ka jirta Soomaaliya waxayna sugayaan hada 2016 oo la filayo iney Xukuumad cusub talada la wareegi doonto, qorshaha cusub ee Maraykanka waxaa la sheegayaa iney ka mid tahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen in Xukuumad cusub deg deg uga hana qaado Soomaaliya.
Safarkii John Kerry isagoo faramaran uu ku tagay Muqdisho oo Waliba uu 20 daqiiqo hal qol kulawada kulmey Hogaamiyashaasha Ugu sareeya siyaasada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamey waji cusub oo Maraykanku lasoo baxay, Waxaa xigey Safiirkii Soomaaliya ay usoo diri lahaayeen oo la kansaley.
Wadama Kenya iyo Jabuuti markuu John Kerry tagay wuxuu ula tagay Malaayiin Dollar oo deeq uu siinayo wadamadaas waana dhaqanka Maraykanka wadankey daneynayaan Waxay u diraan Xoghayahooda Arimaha dibada isagoo Jeeg lacaga Wada.
Puntlandi.com
Nairobi