Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News– Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Madaxweyne Siilaanyo u sheegey inuusan aqbali karin mudo kordhinta ay Golaha Guurtada u kordhiyeen xukuumada

$
0
0

322Warar Dublamaasiyadeed ee Howlwadeenada Puntlandi ka heleen dhinaca Nairobi ayaa sheegaya in Safiirka EU u qaabilsan Soomaaliya Michele Carvone oo shalay booqdey Hargeysa uu kulankii u laaqaatay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland uu kala hadley Xaalada siyaasadeed ee iminka ka taagan Hargeysa.

Safiirku wuxuu Madaxweyne Siilaanyo kala hadley Mudo kordhinta ay Golaha Guurtadu u kordhisey Xukuumada, taasoo Michele Carvone uu sheegey iney tahay lama aqbalaan iyo mid aan suura gal ahayn, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo kula taliyey inuu Guurtada ku warceliyo una sheego in ay ka noqdaan ama iska daayaan Mudo kordhinta.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Soomaaliya tagistiisii uu shalay tagay Hargeysa ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa in uu Siilaanyo u sheego meesha Beesha caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ay ka taagan yihiin Mudo kordhintaan taasoo carqalad iyo saameyn ku yeelan karta Xiriirka Maamulka iyo Deeq bixiyaasha waa hadii lagusii dhiirado ku tagri falida sharcigee.

Wararka ay Puntlandi heleen waxay kaloo sheegayaan in Michele Carvone uu aad ugu digey Madaxweyne Siilaanyo inuu ku dhiirado mudo kordhinta isagoo Safiirku uu hoosta ka xariiqey in xafiiskiisu ay soo dhaweeyeen heshiiskii hore ee Modo kordhinta ay wada gaareen Xisbiyadu taasoo ahayn mudo sanad ah.

Puntlandi
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles