Taliyihii saldhiga Bileyska degmada Qardho Siciid Xirsi Ibraahim ayaa dhawac loo geystey kadibna gaarigiisiina la dhacay, falkana waxaa bartamaha Magaalada ku geystey koox ku hubeysan AK47 ,mana ahan markii u horeysey oo falkaan oo kale ka dhaco Qardho iyo Nawaaxigeeda.
Bishii hore ayaa magaalada lagu diley Taliyihii ciidanka kumaandooska Puntland, maalmo ka dibna Waxaay kooxo hubaysan dhaceen dhowr gaari iyadoo baabuur kalena lagu gubay inta dhexeysa Qardho iyo Bosaso, Dowlada Puntland ayaa horey ugu eedeysay Siyaasiyiin ku sugan Qardho iney ka dambeeyaaan falal amaan xumo oo ka dhacay deegaankaas.
shir maalmo ka hor ka dhacay Qardho oo ay isugu yimaadeen Odoyaasha Deegaanka ayaa sida aan wararka ku helney aad looga hadlay falalka noocaan ah ee Magaalada kusoo badanaya, Madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Cade Muuse oo shirkaas ka qayb galay ayaa sidaan wararka ku helney aad uga xumaadey Falalka noocaan ah ee Magaalada laga riday. isagoo ka digey falalka noocaan ah.
Wararku waxay sheegayaan in loolan siyaasadeed uu ka jiro Qardho, Sida aan Warar lagu kalsoon yahay ku helney taasaa keentey in Madaxweyne Cade Muuse uu qorshaystay inuu dhofayo Dalka Dibadiisa, Warqad uu Cade Muuse Qorey ayuu uga hadlay Amaanka Puntland isagoo si gaara uu ula hadlayay Madaxweyne Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole.
Puntlandi.com
Bosaso