Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Amniga guud ahaan Xaafadaha u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo hawada laga ilaalinayo

$
0
0

us-air-force-drone_785837a

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku sugan Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Maraykanka kasoo kulan la qaadanaya Masuuliyiinta Ugu sareeya awooda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Imaatinka John Kerry ayaa sababay in guud ahaan hakad la galiyo Duulimaadyadii Garoonka inkastoo hadana lagusoo aadiyey xili Duulimaadka Garoonku yaryihiin.

Hada Xaafadaha u dhow Garoonka iyo Garoonka ruuxiisa ayaa aad loo sugay amnigooda.

Illo aad ugu dhow Ciidanka amaanka Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa Puntlandi u sheegey in hada ay Hawada ku jiraan Diyaarado nooca Dadku wadaan iyo kuwa bilaa duuliyaha ah kuwasoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dhulka u dhow Garoonka Diyaaradaha iyo Garoonkaba, waxaana Diyaaradaah ku xiran Kaamirooyin casri ah oo mugdi iyo iftiinba waxa dhulka maraya si cad u qabanaya, Xaafada Waabari ayaa si gaara amaankeeda loo sugay inta John Kerry uu ku sugan yahay Garoonka Aden Cade.

Madaxweyne Gaas ayaa isna ku sugan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo qayb ka ah kulanka.

Kulanka ka socda Garoonka diyaaradaha ee u dhexeeya Wasiirka Arimaha Dibada Maraykanka iyo Afarta Saxiixayaasha 2016ka (Stakeholders) Soomaaliya kala soco Warsidaha Puntlandi.com.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles