Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wasiirka Macdanta oo ka hadley weerarkii maanta

$
0
0

M MukhtarMuqdisho, 14, April, 2015…Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahimiyo ayaa ku tilmaamay weerarkii maanta ‘wuxushnimo’, kaasi Ururka Al-shabaab ay maanta ku qaadeen Wasaarada Tacliinta sare oo isla Wasaaradiisuna degan tahay dhismaha la weeraray.

“Waxaa sharaf noo ah in hay’adahani ay halkooda ka wadayaan hawlihii qaran ay u hayeen umadda. Waxayna taasi ca laamad u tahay dhabar adeyga umadda Soomaliyeed ay u leeyihiin dhibaatooyinka ay nabdiidku ku hayaan, waxaan anaguna balan qaadaynaa in aan hoos uga dhicin higsiga umadda.” Ayuu yiri Wasiirka

Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee kuwii ay jeclaayeen lagu dilay weerarkaasi foosha-xun,. Wuxuu Allaha uga baryay in uu u naxariisto inta dhimatay, caafimaad deg deg ahna siiyo inta ku dhaawacantay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles