Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin cusub— Sababta keentey inuu burburo Heshiiskii ay maanta wada gaaren Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalku

$
0
0

Heshiiskii maanta lagu wada gaarey Adis Ababa ayaa waxaa dhimanaa Qodobo dhowra oo galabta la doonayay iney labada ergo dhameystiraan lakiin Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa intuusan Muqdisho u dhoofin la xiriirey Ergadiisa amarna ku siiyey ineysan Heshiiska saxiixin, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey mid ka mid ah Ergada Wadahadalka.

Qodobada lagu heshiiyey balse uu ka noqdey Xasan Shiikh kadib markii uu kulan la qaatey Wasiirka Madaxtooyada Farax ayaa kala ahaa:

1- In dowlada Federaalka aqoonsato go’aamadii ka soo baxey shirweynihii lagu dhisay maamulka Jubland sida Dastuurka, Calanka Jubland iyo dhamaan qaab dhismeedka uu leeyahay maamul goboleedkaasu.

2- In dowlada Federaalka aqoonsato sadexda gobol oo maamulkaan ka koobanyahay sida Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo.

3- In Dastuurka ay kuwada shaqeynayan maamulka Jublanad iyo dowlada Federaalka yahay Midka dhabta ah kaasoo ah kan ay wada sixiixeen hogaamiye-yaashii heshiiska Road Map-ka.

Beesha caalamka ayaa aad uga xumaatey sida wadamada EU iyo IGAd gaar ahaan wadanka Ethiopia kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh qodobada lagu heshiiyey ka noqdey kuwaasoo cadaadis saarey.

Ergada labada dhinac ayaa beri si kama dambeys ah u balan san iyadoo dhinaca Jubaland ay filayaan in Dowladu ay saxiixdo heshiiskii maanta la wada gaarey, sida aan warka ku helney hadii heshiiska la saxiixi waayo beri ayay shir jaraa’id qabanayaan Wafdiga Jubaland ay ku cadeynayaan waxyaabihii lagu wadahadley.

Ergada Jubaland ayaa iyana aad uga xumaadey isbadalka uu sameeyey Madaxweynuhu, Waxayna galabta isugu yimaadeen shir Deg deg ah inkastoo aysan Wali saxaafada la hadlin labada dhinac midna.

Howlwadeenada Puntlandi ee Wadahadalka u dhuun daloola ayaa caawa isku dayay iney la xiriiraan Wafuuda Jubaland lakiin iyaga iyo Wafdigii Dowlada Federaalka waxay ku mashquul san yihiin casho sharaf uu u sameeyey Caawa Madaxwaynaha Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya mudane Cabdi Cumar
wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles