Image may be NSFW.
Clik here to view.Kismaayo–28 Juun,2013–Pi– Ka dib markii Cidamada Kenya ay xabsiga dhigeen Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey ayaa kooxo teelteel ahi waxay weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland, inkastoo aysan illaa hada Ciidanka Jubaland Wax talaabo ah qaadin oo aan ka ahayn isdifaacid.
Warar aan ka heleyno goobaha weerarku ka dhaceen waxay sheegayaan in sadex meelood ay kooxo maleeshiyo ahi soo weerarta goobo ay Ciidanka Jubaland fariisimo ku lahaayeen, meelo u dhow Hotel Qiilmawaaye ayaa kamid ah meelaha la weeraray, iyo waliba laba meelood oo ka tirsan Xaafada Calanley.
Ma jiro Dagaal la sheegi karo oo magaalada ka dhacay aan ka ahayn weeraradaan kooban oo kudhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay qaadeen Maleeshiyaad ka xanaaqsan Xariga ay Kenya Xirtey Korneyl Cabaas.
Wali waxaa jira goobo Xabado laga maqlayo magaalada, Xabadahaasoo u badan kuwo la iskasoo ridayo balse ma jiro cid si toosa Xabadaha isu waydaarsanaysa oo la tilmaami karo.
Jawiga Magaalada ayaa aad u kacsan, waxaana aad loo hadal Hayaa Xariga Korneyl Cabaas iyo Talaabada xigta ee Amisom qaadayaan.
Puntlandi.com
Kismaayo