Ka dib heshiis maanta duhurkii 21 Ogoosto, 2103 Adis abeba ku dhexmaray Madaxweynayaasha Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh Wuxuu Casumaad rasmi ah u fidiyey Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxmed Islaam iyo ku Xigeenkiisa Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Farataag iney booqasho ku yimaadaan Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu kaloo sheegey in loo baahan yahay in lasii wado dib u heshiisiinta Gobolada isla markaasna la sameeyo tanaasul dheer oo dhinacyo badan taabanaya.
Heshiiskii maanta dhex maray Jubaland iyo Dowlada Federaalka ayaa Dowladu waxay si buuxda u aqoonsatey Maamulka Axmed Madoobe iyadoo horey dhowr jeer Madaxweyne xasan Sheikh u sheegey in deegaankaas ay ka jiraan Madaxweynayaal dhowra isla markaasna uusan mid gaara aqoon saneyn.
Dowlada Itoobiya ayaa kaalin muuqata ka qaadatey in labada dhinac heshiis isla gaaraan iyadoo cadaadis adagna la saarey, Hebayn hore ayaa labo Ergo oo kakala socda labada Madaxweyne ay Wax heshiis ah isla gaari waayeen iyadoo kulan Casho ah oo labada Madaxweyne isku arkeen uu isna ku dhamaadey guul la’aan, saaka waabarigii ayaaWasiirka Arimaha dibada Itoobiya Dr Tedros wuxuu ukala dhexeeyey socod labada dhinac ah oo uu ukala dabqaaday tasoo dhalisey in labada dhinac is arkaan ayna wada hadlaan, isla markaasna heshiis wada gaaraan.
Heshiiska ayaa nuxurkiisu ahaa in dowlada Federaalka ah ay si buuxda u aqoonsato Gobolada Jubada hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ay yihiin maamul Goboleed uuna Madaxweyne u yahay Axmed Maxamed Islaam isla markaasna Doorkii Dowlada dhexe la waafajiyo.
Jubaland waxay hoosta ka xariiqeren iney iyagoo raacaya Dastuurka Federaalka ah ay si buuxda ula shaqaynayaa Madaxwyen Xasan Sheikh iyo Xukuumada Raysal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.
Waxaa la isla meel dhigey oo kale in waxayaabaha dhiman lagu dhameeyo Casumaad uu Madaxweyne Xasan Sheikh ku casumey hogaanka Jubaland magaalada Muqdisho, lama shaacin xiliga ay Jubaland aadayaanm Villa Soomaaliya.
Puntlandi.com
Adis Abeba