Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Qabanqaabada Aas Qaran oo loo sameynayo Marxuum Ambasador Baribari oo ka socota Garowe, Raysal Wasaaraha oo Marxuumka kasoo qaadaya Muqdisho

$
0
0

breaking News from PuntlandWaxaa Magaalada Garowe ka socda qaban qaabada Aas qaran oo Garowe loogu sameynayo Illaahay Naxariisti jano haka Waraabiyee Ambasador Yusuf Ismaaciil Bari Bari, Aasku wuxuu dhacayaa Beri oo axada.

Dalka Switzerland waxaa Saaka ka duuley oo Muqdisho kusii jeeda Marwadii Uu Marxuumku ka tagay waxayna Muqdisho ka qaadeysaa Marxuumka.

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid oo ay wehliyaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka mid yihiin ayaa Marxuumka ka raacaya Muqdisho waxaana qaadaya Marxuumka iyo Dad ka raacaya Diyaarad khaasa.

Dhinaca kale Isimo iyo Masuuliyiin ka qayb galaya aaska ayaa caawa iyo galabta soo gaaray Garowe kuwasoo ka yimid qaarna beri ka imaan doonaan Deegaanada Puntland, Madaxweyne Cade Muuse ayaa ka mid ah oo iminka Garowe ku sugan.

Puntlandi ayaa soo tabin doona aaska Qaran ee Marxuum Ambasador Halyeey Yusuf Bari bari loogu sameyn doono Garowe.

Puntlandicom- Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles