Bishii Feebayaayo sanadkii hore Duuliyihii afduubey Diyaaradii isagu uu duulinayaha ka ahaa ayaa maanta maxkamad ku taal Adis ababa ku xukuntey inuu dambiile yahay wuxuuna qarka u saaran yahay ugu yaraan 20 sano oo xarig ah.
Bishii feebaraayp 2014 ayaa Diyaarad ay leedahay Ethopian Airline oo u socotey Rooma Dalka Talyaaniga ayaa Duuliyihii labaad uu afduubey, Duuliyihii kowaad ee Diyaarada ayaa musqusha galay ka dibna waxaa kantaroolka Diyaarada la wareegey Duuliyahaan hada Adis ababa lagu maxkamadeynayo oo isagoo diyaarada ka ahaa duuliyaha labaad wuxuuna hoosta kasoo xirtey Shirka Diyaarada ka dibna wuxuu Diyaaradii ka dajiyey Magaalada Geneva ee Dalka Switzerland wuxuuna isu dhiibey Booliska isagoo Magan galyo Qaxooti dalbadey.
Baylootkaan ayaa iyadoo la eegayo xeer Caalami ah waxaa loo gacan galiyey Dowlada Itoobiya inta ay dacwadiisu socoto iyo intuu xabsiga ku jirana waxaa la soconaya xaaladiisii safaarada Switzerland si uu u helo xukun cadaalad ah iyo nolol wanaagsan intuu xabsiga ku jiro taasna waxay qayb ka ahayd heshiiskii ay Duuliyahaan Dowlada Switzerland ugu gacan galisay Itoobiya.
Siloo adkeeyo amaanka Diyaaradaha rakaabka ayaa la sameeyey heshiis caalami ah oo xakameynaya in Diyaaradaha loo afduubo wado lagu gaaro meel ama ujeed kale tasoo khatar gaæineysa Rakaabka.
Puntlandi.com
Adis ababa