Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dhagayso Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo khadka Teleefoonka ugu khudbeeyey Jaaliyada Puntland ee Finland

$
0
0

ahmed karaashWasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa wuxuu khadka taleefoonka kaga qaybgalay shir sanadeed ay qabsadeen jaaliyadda reer Puntland ee Finland. Shirkaas oo dhacay 14.Mar-2015 ayaa ahaa kulan sanadeed lagu doorto gole dhexe oo ka kooban 31 xubnood, Guddoomiye, ku xigeen iyo Xoghaye. Ka dib 31 daas ayaa waxaa laga doonayaa inay soo magacaabaan 7 xubnood oo wada hawlaha jaaliyadda.

Wasiir Axmed Karaash ayaa jaaliyadda uga warbixiyey hawlaha ilaa iyo hadda u qabsoomay xukuumadda Puntland. Wasiirka oo warbixinta ka dib shahaadada sannadka guddoonsiiyey Eng Jaamac Aaden Ismaaciil oo Wakiilka dawladda Puntland iyo Jaaliyaddu ay u garteen inuu ahaa shakhsiga sannadka, ka dib markuu muujiyey hawlkarno iyo daacadnimo: halakn ka dhegayso wasiirka warbixintiisa oo dhan.

Halkaan hoose ka dhagayso


Shirka waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha jaaliyadda rag iyo dumarba. Waxaa isna goobjoog ka ahaa shirka wakiilka dawladda Puntland ee Finland Eng Abdirizak Musse Ali Ilweyn oo shirka kazoo jeediyey warbixin uu uga hadlayo waxqabadka dawladda puntland iyo mashaariicda wax tarka leh ee socda. Wakiilka ayaa ugu danbayn shirka kusoo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Karaash.

Guddoomiyihii hore Eng Ibraahim Xassan Caynab oo shirka furay ayaa sheegay sida uu shirku u socon doono iyo in iyaga xilkii ka dhammaaday, loona baahanyahay in shirka laga dhex doorto dadkii shirka wadi lahaa.

Shirka ayaa ugu horrayn waxaa inuu shirka hoggaamiyo loo doortay Eng Maxamed Siciid Dirir (Gurey), maadaama guddoomiyihii hore uu waqtigiisii dhamaaday. Waxaa kaloo la doortay Xog-hayaha shirka iyo laba cod tiriye.

Shirku wuxuu warbixin ku aadan waxqabadkoodii iyo sida ay u maamuleen hawlihii loo doortay ka dhegeysteen gudigii hore oo ugu horeeyo Eng Ibraahim Xassan Caynab. Eng Ibraahim ayaa si wanaagsan oo cad usoo bandhigay waxqabadkoodii sannadka, taasoo waafaqsan shuruucda Jaaliyadda.

Ugu danbayntiina shirku wuxuu ku guulaystay inuu doorto Gudoomiyaha golaha dhexe, ku xigeenkiisa iyo xog-hayaha golaha. Muddo bil ahna waxaa looga fadhiyaa inay soo magacaabaan 7 xubnood oo fulin doona hawlaha Jaaliyadda.

Jaaliyaddu waxay aad iyo aad ugu mahad celinaysaa gudigii hore oo uu madaxda u yahay Eng Ibraahim iyo xubnaha kale ee sida xilkasnimada leh hawshoodii usoo gutay.

Waxaan idiin rajeynaynaa inaan sanadka danbe ku gaarno inagoo sii labalaabnay hawlaha shaqo ee laynooka baahanyahay gudaha Finland iyo Puntlandba.

shir

Shahaado1

Shahaado2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles