Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Kenya oo gidaar dheer isaga gudbeysa Soomaaliya

$
0
0

LamuuDowlada Kenya ayaa xadka ay la wadaagto Soomaaliya dhinaca Gobolka Lamuu waxay ka dhisayaan Gidaar dheer oo aan cidna kasoo talaabi karin.

Gidaarkaan ayaa Kenya ku xireysaa Xuduuda ay lawadaagto Soomaaliya, Waxaana laga dhisayaa Xudaada Gobolka Lamu la leeyahay Soomaaliya si aysan cidna ugusoo talaabin Dalka Kenya.

Gudoomiyaha Gobolka Lamu ee Kenya Ciisa Timamy ayaa sheegey in dhisida Gidaarkaan ay dhowaan bilaabaneyso ayna qorsheynayaan in la dhameeyo dhamaadka Sanadkaan 2015 ka.

Ujeedka loo dhisayo Gidaarka ayaa Kenya ku sheegtey iney xakamanayaan Weerarada ay Al-shabaab kusoo qaadayaan Gobolka iyo Waliba Tahriibayaasha oo iyana sharci daro ugasoo talaaba Xuduuda Gobolkaan la wadaago Soomaaliya.

Gidaarkaan ay Kenya isaga gudbeyso Soomaaliya wuxuu lamid noqon doobaa Gidaarka ay Isreal isaga gudubtey Falastiiniyiinta kasoo la dhisay Sagaashadii xiligaasoo Ay Israa’iiliyiintu khaati ka istaageen Weeraro kaga imanayay Daanta Galbeed ee Falastiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles