Wadahadalka ka socda Dalka Turkiga ee u dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa u muuqda mid burburay ka dib markii Ergadii Soomaaliland ay diideen iney hor fariistaan Ergadii Ka socotay Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyagoo Soomaaliland ay ku andacoonayaan Ergadaan naloo soo direy raali kama nihin ee waa in la badalaa.
Hadalka kasoo yeeraya Soomaaliland waxay u dhigantaa iyadoo Tababaraha Kooxda Barcelona uu yiraahdo Kooxda Chelsea markay Champion Leage nala Ciyaarayaan waa iney badalaan Gool hayahooda iyo Difaacooda hadii kale lama Ciyaarayno.
Ciyaarta hada kasocota Turkiga ee u dhaxaysa Muqdisho iyo Hargeysa oo Dowlada Turkigu ay garsooraha ka tahay ayaa u muuqata mid aan qabsoomi doonin ka dib markii kooxdii Soomaaliland ay diideen iney Garoonka Soo galaan iyagoo sharuud ka dhigey in Ciyaartooda Muqdisho ka socota la badalo.
Kulamadii hore ee dhexmari jirey Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland waxaad moodaa in codsigaas awal laga yeeli jirey laakiin uu hada Madaxweyne Xasan Sheikh uu Garowsadey talooyin dhowr jeer losoo jeediyey.
Ergada ka socda Dowlada Federaalka waxay kala yihii.
1– Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
2–Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli
3–Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel
4– Iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Puntlandi.com