INNAA LIL LAAHI WAA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Geerida Barfasoor Siciid Shiikh Samantar
Annagoo ah:
1. Janeraal Maxammad Abshir Muussa
2. Xisri Bulxan Faarax
3. Barfasoor Cabdulqaadir Nuur Salaad (Fiisiko)
4. Cabdiraxiim Maxamed Abshir Muussa
5. Maxammad Khaliif Salaad
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa Marwo Lydia (Lidia), Xaaskii Barfasoor Siciid Shiikh Samantar, ilmihiisa kala ah gabadhiisa Safiya Siciid Shiikh Samantar, wiilkiisa Dalmar Siciid Shiikh Samantar, affarta carrurta ah oo uu awoowaha u ahaa, dhammaan qaraabadiisii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed oo weydey wiil u dhashay oo ahaa waddani aqoon sare leh.
Maxammad Abshir oo uu dhowr iyo tobankii sano oo u dambeeyey uu toddobaad walba la soo xiriiri jirey ayna ka sheekaysan jireen xaalka Soomaaliya iyo Cabdulraxiim Maxammad Abshir oo laga bilaabo kowdii bishii November ee 2010 u ahaa kaaliye cilmi baaris, haddeerna kala shaqaynayey buug Barfasoor Siciid wadey oo magaciisu ahaa “Fool’s Errand: The Vain Search for a Central Government in Somalia” oo Af Soomaali ku noqonaya: “Qalad Caalle (ama Doqon): Baadigoobka aan Suurtagalka ahayn ee Xukuumad Dhexe oo Soomaaliya Yeelato”.
Allaha u naxariistee Siciid wuxuu ahaa bashaash bulshey ah iyo geesi aan wuxuu run u arko kala gabban cidna. Wuxuu ahaa taariikhyahan guud Afrika gaar ahaanna Bariga Afrika ay ku faani karaan. Wuxuu ahaa gabyaa gabayo ku qora Af Soomaali iyo Af Ingiriisba. Waxa Soomaaliya ka baxay Cod Mug ween oo dunidu qaddariso! Eebbe Weyne isagana Jannatul Fardowsa ha geeyo innagana Samir iyo Iimaan ha inaka siiyo.
Aamiin:: Aamiin