Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Innaa lillaahi wa inaa illayhu raajucuun Taariikhdii Marxuum Cabdishakuur Mire Aaden

$
0
0

Illaahay Naxariistii jano haka Waraabiyee Waxaa maanta Qarrixii gilgiley bartamaha Muqdisho ku geeriyoodey Marxuum Cabdi Shakuur Mire Aaden.

Waxaan halkaan idiinkusoo gudbineynaa taariikhdii Marxuumka oo Kooban.

Taariikh Nololeedkii  C/shakuur Mire Aadan

Cabdishakuur-Mire-AadanIlaahay Naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Cabshishakuur Mire Aadan wuxuu ku dashay Degmadda Qandala ee Gobolka Bari, 1963dii.Waxbarshada Dugsiga hoose wuxuu ka bilaabay Isku-shuban 1970kii, wuxuuna ku dhamaystay Buule Barde 1974, Dugsiga dhexe wuxuu ku qaatay Muqdisho, wuxuuna ka baxay Dugsiga Sare ee Badda 1982, Wuxuu ka Qalanjabiyay Kulliyadii Macalimiinta Farsamada. Qaybta badda isagoo ku takhakhusay Nautical Science (Aqoonta Badmaaxnimada), Sanadkii  1986 wuxuu Macalin ka ahaa Dugsigii sare ee badda Muqdisho. Sanadkii 1987 wuxuu shaqaale ka noqday Wasaaradii Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladii Somaliya.

Qoraalka wuxuu bilaabay 1982, Maqaalo ayuu ku qoray Wargeykii Xiddigta October. 1985 ayuu qoray qisadii Sooryo-dhagareed. 1986 wuxuu isku duba riday qoraal sheekooyin gaagaaba  Xusuus caashaq. 1987 wuxuu qoray qiso xiiso badan   Dhalanteed jacayl .1988-dii wuxuu qoraalkiisa wax ku lahaa film la oran jiray  Eedaysane, islamarkaana ka ahaa soo saare. Sanadkii 1991 wuxuu ka aas aasay Magaalada Kismaayo Wargayska Ilays.

2001 wuxuu mulkiile iyo Agaasime ka ahaa Radio Midnimo oo ku tiil Magaalada Bosaso, 2008 wuxuu dib u bilaabay Wargayskii Ilaysnewspaper oo ka soo baxa Magaalada Bosaso. 2003 ayuu xubin ka noqday Bahda Qalinleyda Soomaaliyeed” Somali Speaking Pen” . Sanadkii 2003 Wuxuu Soo Saaray Buugii Koboca Islaamiyiinta Somaliya(1952-2002).

Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan jagooyin kala duwan ayuu ka soo qabtay Maamulka Dowladda Puntland, 2002 Wuxuu noqday Wasiir k/xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, isla Jagaadaas Waxaa uu markale Qabtay Sanadkii 2009 Maamulkii Madaxweyne C/raxmaan Faroole. Waxaa kaloo uu Qabtay Jagada Wasiiru Dowlaha Dekedaha iyo la Dagaalanka Burcad- Badeeda Puntland, sidoo kale wuxuu  la Taliye u noqday Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi.

Alla ha u naxariistee, C/shakuur Mire Aadan Wuxuu ifka kaga Tagay Saddex Caruur  Labo Wiil iyo Gabar iyo Hooyadood . Alle ha u naxariistee Walaalkeen Cabdi shakuur mire Waxaa lagu Xasuusan Doono inuu Qoraa, Siyaasi Hadal Cad oo aan ka Gaban inuu runta ka hadlo, Wuxuu nin jecel inuu Taariikh  uga Tago Dadkiisa iyo Dalkiisa, Wuxuu ahaa Saxiib dhow oo Warbaahinta iyo Saxafiyiinta ay lahaayeen.

Inaa lilaah waa Inaa illahi Raajicuun

 W/Q : Cumar Siciid Maxamed

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles