(Pi Muqdisho) Alla naxariistii Jano haka waraabiyee waxaa qarixii argigixiso ee maanta ka dhacay Muqdisho kamid noqday dadkii ku geeriyoodey Suldaan Cabdulqaadir Suldaan Cali Yaasin-Keenadiid oo ka mid ahaa Isimida Puntland ee Gobolka Mudug.
Inkastoo aan markii hore laga warheyn geerida Marxuumka hadana mardambe ayaa Meydkiisa laga dhex heley marxuumiintii ku geeriyoodey qaraxa oo 20 kor u dhaafaya.
Ehelka Marxuumka ayaa lagu wargaliyey Geeridiisa.
Qaraxa maanta Dadka ku nafwaayay waxaa kamid ahaa ugu yaraan 7 qof oo reer Puntland ah.
Puntlandi.com
Muqdisho.