Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jubbaland oo ay ka socoto qabanqaabada Soo dhaweynta Madaxweyne Gaas

$
0
0

Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda Safar ku tagi doona magaalada Kismaayo ee Jubbaland,kaasi oo noqonaya socdaalkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Dawlada Puntland uu ku tagayo Jubbaland.

Qabanqaabo balaaran oo lagu soo dhowaynayo Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka socota magaalada Kismaayo,waxaana soo dhowaynta Madaxweynaha ay noqon doonta mida ugu balaaran ee loo sameeyo Mas’uul booqday Jubbaland,maadama Puntland iyo Jubbaland ay yihiin MATAANO.

Safarka Madaxweynaha Dawlada Puntland uu ku tagayo Kismaayo ayaa yimi ka dib markii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam uu caasumaad u fidiyay Madaxweynaha Dawlada Puntland.

Dawlada Puntland ayaa kaalin wayn ka qaadatay Aas-aaskii Jubbaland,waxaana labada shacab ka dhexeeya Xiriir walaalnimo ku dhisan.

Si kastaba ha ahate,Safarka Madaxweynaha Puntland uu ku tagi doono Kismaayo ayaa imanaysa xilli Gobolada Jubbaland ay ka socoto xulista Xidlhibaanada.

www.Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles