Saaka aroortii ayaa Booliska Denmark ay dileen nin loo badinayo inuu yahay ninkii shalay geystey weerarka dhimashada sababay oo ka dhacay goob uu ku sugnaa Kartooniiste Swedish ah.
Galabta ayay Boolisku Xabsiga u taxaabeen laba qof oo shaki soo galay.
Sidee wax uga dhaceen Copenhegan klShalay ilaa galabta oo Axada
Ninka ay Boolisku saaka toogteen kadib markii uu dhawacay sadex Boolisa ayaa wuxuy shalay weeraray goob Dood kasocoto oo uu ku sugnaa Kartooniiste Swedish ah iyo Waliba Safiirka Faransiiska u fadhiya Denmark, Kadibna Xalay wuxuu diley nin 37 jir oo waardiye ka ahaa Kaniisad ay Yuhuudi leedahay kadibna Taksi ayuu qaatey, Iyadoo kadibna la aqoonsadey guriga uu taksiga uga degay.
Booliska oo kasoo warqaatey Shirkada Taksiga ee ninku ka raacay Kaniisada uu Ninka ku diley ayaa waxay heleen guri la aamin sanaa inuu ninku galay Xalay.
Saaka aroortoo abaarihii 5 subaxnimo ayaa Booliska iyo Ninkii is heleen waxayna is dhaafsadeen rasaas sidaas ayaana Boolisku ku dileen Ninkii kasoo loo badinayo inuu yahay Carab.
Maanta duhurkii ayaa Boolisku waxay qabteen Shir Jaraa’id oo ay ku sheegeen in la aqoonsadey Ninkii Weerarka geystey laakiin ma aysan sheegeynmagaciisa iyo Qofka uu yahay maadaama baaritaan socdo.
Maxaa u dambeeyey
Baaritaan dheer ka dib waxay Boolisku galabta ay xabsiga u taxaaveen laba nin,walina Baaritaan ayaa socda.
Wax Soomaali ah Saameyn kumaleh weerarka Argagixiso ee Denmark lagu qaadey inkastoo Xaafadaha Bileysku gabagabeeyeen ayna Dilalkii Xalay iyo saaka ka dhaceena ay tahay Xaafad ay Soomaali badan Degan yihiin, Guriga baaritaanka lagu hayo waxaa Darus la ah Soomaali badan.
Puntlandi.com
Copenhegan