Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta Safar ku aaday Dalka Jarmalka iyadoo safarkiisu ku salaysan yahay baaritaan Caafimaad.
Illo ku dhow Villa Soomaaliya oo la hadley Puntlandi u sheegay in Madaxweynaha Safarkiisu uusan ahayn mid shaqo balse yahay mid gaara oo la xiriira Baaritaan dhanka Caafimaadka ah.
Waa markii labaad oo Madxaweyne Xassan Sheekh uu baaritaan Caafimaad u aadayo dibada,waxaana baaritaankii Caafimaad ee kan ka horeeyay uu u aaday dalka Turkiga.
Puntlandi.com
Muqdisho