Tan iyo shalay waxaa Adis Ababa Caasimada Itoobiya kusii qulqulayay Hogaamiyaasha Afrika iyadoo Magaalada Nairobina uu saaka ka duuley Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.
Madaxweynaga Kenya waxaa weheliya wafdi heer Wasiir ah iyo Xubno ka tirsan aqalka Madaxtooyada.
Ajandaha ugu weyn ee shirka Midow wuxuu ku saabsanaan doona Maxkamada Caalamiga ee Haage iyo Cudurka dilaaga ah ee Aboolo.
Marwada Madaxweynaha Margaret Kenyatta ayaa iyana lasocota waxayna iyana adis uga qaybgalaysaa shirweynaha Ururka Marwooyinka Madaxweynayaasha Afrika ee la dagaalanka Cudurka Aidiska ( the Organization of African First Ladies Against Aids (OAFLA) oo isna ka feer furmu doona Shirka Midowga Afrika.
Marwooyinka Madaxweynsha Soomaaliya hada xubin kama ahan Ururka Marwooyinka kowaad ee Afrika.
Puntlandi.com
Nairobi