Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ciidamada Amaanka Puntland oo gacanta kusoo dhigey Ragii ka dambeeyey dilkii Xisaabiyaha Kastamka Degmada Xarfo

$
0
0

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigey labo nin oo la aaminsan yahay iney ahaayeen kuwii diley Xisaabiyihii Kastamka Degmada Xarfo.

Ciidamada dharcadka ah ee Puntland ayaa maalmahaan ku raad joogey labadaan nin waxaana lagasoo qabtey Howda ku yaal bariga Degmada Xarfo.

Maanta ayaa la filayaa in Dambiilayaasha lasoo gaarsiiyo Magaalada Gaalkacyo halkaasoo lagu maxkamadeyn doono, Waxaa sidaas Puntlandi u sheegey Sargaal ka tirsan Ciidanka.

Mudo labo todobaad laga joogo ayaa Degmado Xarfo waxaa lagu diley Madaxii Xisaabaadka ee Kastamka Baabuurta Degmada Xarfo, markhaatitaal goob joog ahaa ayaa sheegey in Dilka ay ka dambeeyeel labo nin oo ka tirsan ciidanka Kastamka kuwasoo la aqoonsadey durba.

Waana labada nin ee hada gacanta lagusoo dhigey.

Puntlandi.com
Xarfo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles