Madaxweyne ku Xigeenka Dowlada Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa maanta wuxuu Boohoodle ka bilaabey booqasho rasmi ah kadib markii uu shalay Magaalada uga qayb galay Caleema saarkii Garaad Cabdirsaaq Garaad Soofe.
Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland ayaa siweyn loogusoo dhaweeyey Buuhoodle iyadoon Loo kala harin.
Madaxweynuhu wuxuu maanta kulamo la qaadanayaa Masuuliyiinta Gpbolka Ceyn iyo kuwa degmada, Wuxuu kaloo la kulmayaa Saraakiisha laamaha amniga.