Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka tacsiyeeyey geeridii Wasiirkii Kaluumeysiga

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Wasiirkii Kaluumaysiga Dowlada Federaalka ee xukuumadii hada dhacdey.

Dhambaalka tacsida ee Xafiiska Madaxw
eynaha kasoo baxdey ayaa sidaan hoose u qoran

Muqdisho, Janaayo16, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Siihayahii Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Marxuum Maxamed Coloow Barroow oo saaka xanuun hayey dartii ugu geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

“Innaa Lillaahi wa innaa Illayhi raajicuun, waxaan Eebbe ka baryayaa inuu dhammaanteen samir iyo iimaan naga siiyo Sihayahii Wasaaradda Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Marxuum Maxamed Colow. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, qaraabada, asxaabta iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ”. Ayuu yiri Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeytii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saaka ka qeyb galay salaadda Janaasada ee Marxuumka ayaa Allaah uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.

Dhammaad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles