Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xukuumad Midnimo Qaran baa la sugayay, laakiin waxay noqotay mid Masiibo Qaran

$
0
0

xasan CPHMuqdisho–12.1.2015–Pi– Raysal Wasaaraha xukumada Faderalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa xalay saqdii dhaxe waqtiga Somaliya ku dhawaaqay xubnaha golahiisa xukumada cusub ee mudaba loo dheg taagayey.

Xubnaha Xukuumada cusub ayaa ilaa hadda aan wax soo dhaweyn ah ka helin warbaahinta, Shacbiga Somaliyeed,xubnaha beesha caalamka ee daneeya amuuraha soomalida, Xildhibaanadii iyo marti sharafkii ku sugnaa goobtii xukumada lagu magacaabay xalay oo aheyd xafiiska Raisal waasaraha.

Golaha Wasiirada ee cusub oo badankoodu yihiin xubnihii xukumadii hore ee Raysal wasaare Cabdi Weli Sheekh iyo xubno hore oo siyaasada ku fashilmay, oo mar hore Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyey in ay yihiin Xukuumad Fashlinatay oo ka gaabisay waxqabadkii ummada soomaliyeed ka sugeysay.

Dhismaha iyo magcaabida xukuumada cusub waxaa ka muuqata in mar kale ummada soomaliyeed ay ku dhacday nasiib daro iyo masiibo siyaasadeed,oo horseed u noqon doonta in ay lumiso fursadahii iyo rajadii yareyd ee la qabay ee ah in la yagleelo oo la helo Dawlad midnimo qaran, oo horseed u noqto in la gaaro higsiga iyo rajada ummada ee ah nabad,cadaalad, midnimo iyo doroshooyin xor oo xalaal ah, mudada yar ee dawalada u dhiman.

Waxaa nasiib daro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul-Jadiid ay danhooda shaqsiga ah ka hor mariyaan dantii qaranka, isla markaan afduubaan taladii iyo aayahii Ummada Soomaliyeed, iyagoo dhagaha ka fureystay baaqayadii bulshada caalamka iyo shacbiga soomaliyeed, ee ahaa in la gaaray wakhtigii loo dhaqaaqi lahaa dhismo xukuumad midnimo iyo musaalaxo qaran ka dhex muuqdaan.

ugu danbeyntii waxaa dhismaha xukuumada cusub ka dhex muuqada in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul -Jadiid dadaal iyo diyaar garow xoogan ugu jiraan fulinta qorshe siyaasadeed oo salka ku haya mudo kordhsi,kaas oo ay ku carqaladeynayaa qorshihii ahaa higsiga cusub ee sanadka 2016,oo ku suntanaa balanqadkii beesha caalamka iyo madaxweyne Xasan laftigiisa ee ahaa in dalka iyo dadka soomaliyeed la gaarsiiyo jawi siyaasadeed caafimad qaba oo saamaxya ln dalka ay ka dhacdo doorsho xor, oo xaalal ah.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles