Buuq ayaa ka taagan Magacaabista Golaha Wasiirada kadib markii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Kooxdiisa ay cadaadis weyn ku sareen Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid in uu aqbalo Liiskooda Golaha Wasiirada.
Raysal wasaaraha ayaa qorsheynayay inuu Isniinta ama Talaadada soo bandhigo Golah Wasiirada laakiin waxaa dib u dhigay cadaadis ka yimid dhinaca Madaxweynaha oo Raysal wasaaraha ku khasbey afar wasiir oo dhinaca Madaxweynaha ka imaanaya.
Kulan xalay dhexmaray Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha ayaa Raysal wasaare Cumar wuxuu Madaxweynaha u sheegey in ay adagtahay in la aqbalo in shakhsiyaad gaara oo madaxweynaha la saxiib ahi ay soo noqodaan, balse Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ka xumaadey hadalkaas, wuxuuna Raysal wasaaraha ku cadaadiyey in liiska lagusoo daro golaha wasiirada cusub xubnaha isaga la jaalka ah.
Sidoo kale Madaxweynuhu ayaa laga soo sheegay in uu Raysalwasaaraha ku yiri “Waxba haka walwalin Xildhibaanada meelaha ka qaylinaya, wali waxaanu haysanaa awoodii aan ku ridney Raysal wasaarihii ee adiga kaa horeeyey”.
Sida muuqata Madaxweynuhu wuxuu qortay oo uu qaatey Wasaaradaha muhiimka ah ee xukuumada cusub oo dhan .
Shaxda Raysal wasaaraha lagu cadaadinayo inuu sidii daawada oo kale hal mar liqo waa sidaan.
1-Wasiirka Arimaha Dibada Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasaaradaan wuxuu Raysal wasaaruhu la rabey nin ay isku heyb yihiin Dr. Beyle oo Maraykanka degan.
2-Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, Booskaan Raysal wasaauhu wuxuu u wadey Nin cusub oo Kooxda Madaxweynaha ah
3- Wasiirka Cadaalada Farax Cabdulqaadir,
4- Wasaarada Arimaha Gudaha Cabdullaahi Goodax bare, Booskaana nin kale oo saaxada siyaasada ku cusub ayuu Raysal wasaaruhu usoo wadey.
Afartaan Nin waa liiska uu Madaxweynuhu ku cadaadiyey Raysal wasaaraha in lasoo cesho.
Kooxda Xilddhibaanada ah ee awalba kasoo horjeedey rididii Xukuumadii hore ayaa markay ka warheleen Cadaadiska uu Madaxweynuhu ku hayo Raysal wasaaraha waxay durba la kulmeen Raysal wasaaraha, iyagoo hoosta ka xariiqey ineysan sinaba u aqbalayn in dib loosoo cesho afartaan shaqsi, Raysal wasaaruhu wuxuu ka balan qaadey Xildhibaanadaan in soo bandhigi doono Xukuumad lagu kalsoon yahay isla markaasna Garab walbaa iska dhex arkayaan.
Sida ay Puntlandi warka ku hayaan hada Madaxweynaha iyo Kooxdiisu waxay Raysal wasaaraha ku cadaadiyeen in uu aqbalo liiskooda iyagoo shafka u garaacay iney Xildhibaanada ka soo dhameynayaan in ay meelmarinayaan ayna codka kalsoonida siinayaan Xukuumada cusub.
Liiska cusub ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu ku khasbayaan Raysal wasaaraha waxaa ka dhexmuuqda Wasiirka Warfaafinta Mr.Dhuxulow iyo Wasiirka Haweenka kuwaasoi lagu qancinayo Xildhibaanada Kasoo horjeeda Madaxweynaha.