Waxaan halkan idin kugu soo lifaaqnay Codadka Shirkii Jaraa’id ee Wasiirrada Arrimaha dibedda wadamada IGAD ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka 53 ee Wasiirrada arrimaha dibedda wadamada IGAD oo maalinta berri ah ka furmaya magaalada Muqdisho.
Waxaa Saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Dr. C/rixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ethiopia Mudane Dr.Tedros Adhanom, Xoghayaha guud ee Urur gobolleedka IGAD Mudane Maxbuub Macalin.