Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News– Raysal Wasaare Cumar Cabdirshiid oo Isniinta ku dhawaaqaya Golihiisa Wasiirada

$
0
0

Cumar-CC-SharmaakeGolaha Wasiirada ee Xukuumada Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaarke ayaa hada diyaar ah sida ay warka ku heleen Howlwadeenada Puntlandi, waxaana la filayaa in uu Raysal wasaaruhu soo bandhigo Xukuumadiisa Isniinta ama Talaadada.

Wararka Puntlandi ay ka helayaan ilo dublamaasiyadeed waxay sheegayaan in qorshuhu uu ahaa in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo maalinimada Axada 11 janaayo 2015 balse dib loogu dhigey shirka Golaha Wasiirada IGAD oo Muqdisho ka dhacaya kasoo socon doona Sabtida iyo Axada.

Waxaan isku dayney inaan waxka ogaano xubnaha Golaha Wasiirada cusub balse aad ayay u adagtahay in xiligaan la helo magacyo hordhac ah, waxaase Golaha wasiirada u badnaan doona wajiyo ku cusub saaxada siyaasada soomaaliya, waa sida Puntlandi warka ku heleen.

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirshiid ayaa maalmihii lasoo dhaafey waday wadatashi ku saabsan dhismaha Xukuumada cusub kasoo uu la yeelanayay Madaxweynaha dowlada federaalka ah Mudane xasan Sheikh Maxamuud iyo siyaasiyiin kale.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles