Garowe–29 Dec.2014–Pi– Warar dublamaasiyadeed oo aad ugu dhow Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Ciidanka Cirka ee Maraykanku ay duqeeyeen goob ku taal Soomaaliya galabta Makhribadii 29.12.2014 weerarkasoo lagu bartilmaamadeystey Saraakiil Al-shabaab ka tirsan.
Ilaha Dublamaasiyadeed ee Puntlandi soo xigtey ma aysan helin tafaasiil intaas dheer oo aan ka ahayn in weerarkaas ay Maraykanku ka fuliyeen gudaha Soomaaliya Galabta, balse lama sheegin deegaanka weerarku ka dhacay iyo Khasaaraha loo geystey Maleeshiyaadka Shabaab Saraakiishooda.
Puntlandi kala soco wixii kasoo kordha warkaan.
Puntlandi.com
Garowe