Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaflad xil wareejin ah oo ka dhacdey Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Galdogob( Sawiro)

$
0
0

Galdogob – Xafladaani oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxay ka dhacday  Hoolka wayn Ee Jaamacadda Bariga Afrika { EAST AFRIKA UNIVERSITY } Faraceeda Galdogob.

Xafladaan ayaa ahayd xilwareejin uu samaynayey Maamulkii hore ee jaamacada Dr Bashiir Warsame Maxamed ( Bashiir Caato) waxaana xilka la wareegay Gudoomiyaha cusub Ee jamacadda Proff: Muuse Maxamuud Takar oo kamid ah qurbajoogta dhawaan wadankooda kusoo noqday si ay uga qayb qaataan horumarka dalka.

Xil-wareejinta ayaa waxaa ay udhacday si qurux badan waxaana Madasha kasoo qayb galay hogaanada bulshada sida Maamulka, Guurtida, Culamada, Aqoonyahanka iyo Dadwayne aad u faro badan.

Waxaa Xaflada hadalo kasoo jeediyey Gudomiye kuxigeenka guud Ee jaamacada Bariga afrika ahna sii hayaha xilka Gudoomiyaha Jaamacada, gudoomiyaha Jamacada Bariga Afrika Faraca Gaalkacyo,gudoomiyaha Mu’asasada AL-Minhaaj, gudoomiya golaha guurtida, Maamulka degmada Galdogob iyo martisharaf kale oo badan waxayna dhamaantood u mahadceliyeen gudoomiyihii hore sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen Maamulka cusub ee jaamacada.

Xafladaan ayaa waxaa sidoo kale shahaadooyin Lagu gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay kuliyada Luqadaha.

Ugu danbayn xaflada ayaa kusoo gabagbowday jawi qurux badan.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

www.puntlani.com.
Xilwareejin-Jaamacada4

Xilwareejin-Jaamacada2

Xilwareejin-Jaamacada1

Xilwareejin-Jaamacada

Xilwareejin-Jaamacada3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles