Wasiir ku Xigeenkii Xukuumadii Badbaado Qaran ee Wasaarada Howlaha Guud mudane Xareed Xasan Cali oo iminka ku sugan Dalka Faransiiska ayaa u hambalyeeyey Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake wuxuuna illaahay uga baryayaa inuu ku garab galo shaqada loo igmadey.
Mudane Xareed oo aqoon dheer u leh Raysal wasaaraha cusub wuxuu sheegey in Mudane Cumar Cabdirshiid uu yahay shaqsi kasoo bixi kara shaqada loo igmadey.
Wuxuuna ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabey ee Raysal wasaaraha Soomaaliaya.
Puntlandi.com
France