Warar rasmi ah oo Howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in kulan Sadex geesood ah uu ka dhici doono Kismaayo dhamaadka bishan Dicembar kasoo dhexmari doona Madaxweynayaasha Shariiif Xasan, Axmed Madoobe iyo Ergo khaasa oo Madaxweyne Xasan Sheikh matalaya loona badinayo inuu hogaamindoono Wasiir Faarax Cabdulqaadir .
Kulankaan oo Ajandihiisa lagu sheegey iskaashi siyaasadeed oo dhexmari doona Xamar,Kismaayo iyo Baydhabo balse sida ay Puntlandi Xogta ku hayaan kulanku waa shirqool siyaasadeed oo lala damacsan yahay Maamulka curdanka ah ee Jubaland.
Wararkaan oo aan ka helney illo lagu kalsoon yahay oo gacansaar la leh Villa Soomaaliya waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Shariif Xasan ay shirqool siyaasadeed u Maleegayaan Madaxweyne Axmed Madoobe kasoo ku salaysan sidii Siyaasada Dalka ay gacanta ugu dhigi lahaayeen.
Qorshahaan ay Wadataan Xasan iyo Shariif ayaa ah mid Beesha Caalamka looga iibin doono in Villa Soomaaliya ay taageero buuxda ka heysato Maamulada Dalka ka jira(Stock Holders-ka) waana qorshe Siyaasadeysan oo Jubaland la doonayo in lagula wareego, waxna looga yeeriyo Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan waxba kala socon qorshahaan ay wada maleegeen Madaxweyne Xasan Sheikh iyo kooxdiisa.
Kulanka Sadex geesoodka ah waxaa lagu wadaa inuu Kismaayo ka dhaco 18 ama 19 ka bishaan Dicembar.
Puntlandi.com
Muqdisho