Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo booqdey Deegaanka Galgala, Daawo Sawirada

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2-12-2014 booqasho ku tegay Magaalada Galgala oo dhawaan ay si buuxda ciidamada Puntland ugala wareegeen Malayshiyo katirsan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku tagay magaalada Galgala ayaa waxaa ku wehliyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ,saraakil katirsan ciidanka Puntland iyo masuuliyiin kale.

Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa salaan sharaf siiyey madaxweyne Gaas waxana uu si kal iyo laab ah u salaamay dhammaan ciidanka xooga Daraawiishta Puntland ee halkaas ku sugan kuwaasi oo ubabac dhigay soo afjairida Koox diimeedka Al-shabaab.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khdubad dheer oo dhiirigelin ah u jeediyey Ciidanka ayaa sheegey in uu aad iyo aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ugu tagay Ciidanka Daraawiishta Puntland eek u sugan jiidaha hore difaaca.

‘’waan ku faraxsanahay inaan idinku soo booqdo difaaca iyo dagaalka aad kula jirtaan cadowga islaanka,cadowga soomaaliyeed iyo cadowga Puntland ahna burcad diimeed xumeeyey magaca islaamka’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Magaalada Galgala oo ah magaalo qadiimi ah oo maanta saad aragtaan dadkii ku noolaa ay ka barakiciyeen kana dhigeen qaxooti marka nin sheeganaya magac islaameed oo dadkaa gurayhoodii intuu kararo degaya oo barakicinaya waxay ila tahay inuusan jirin qof ka wanaagsan oo lagu jihaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxaan ka codsanaya dadka reer Puntland oo dhan meelkasta oo ay joogaan in ay garab istaagaan inay hiil iyo hooba la garab istaagaan uhiiliyaan oo welibana taakuleeyaan ciidamadooda’’Ayuu hadalka sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

‘’Waxayna difaaca ugu jiraan waa guryihiini, waana kuwa nabada aad ku joogtaan Puntland meel walba dhaliyey ee mas’uulka ah, cida udhimanaysa difaaca dalka iyo cida uhuraysa nafsadooda waa ciidamada’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa magaalada Galgala waxaa uu kulamo kula qaatay odayaasha magaalada isagoona ku dhiiri geliyey inay si habsami leh ula shaqeeyaan ciidanka islamarkaana gacan weyn ka geystaan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii kabarakacay magaalada Galgala.

Madaxweyne Gaas iyo wafdigii balaarna ee uu hogaamniyay ayaa waxay qado sharaf kula qaateen magaalada Galgala Saraakiisha iyo dhammaan ciidanka jiida hore ee buuralayda galgala difaaca kaga jira isagoona ugu hambalyeeyey howsha adag ee ay uhayaan shacabka iyo dawladooda.

Madaxweyne Gaas ayaa dalacaad xidigle ah ku siiyey askari kamid ah ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan jiida hore ee difaaca Buuralayda Galgala, askarigaas oo ku galabsaday dalacaadiisa baraarujinta iyo dhiirigelinta ciidanka uu la garab taagan yahay markasta iyo goor kasta oo uu ciidanka howlgal kujiro, isagoona had iyo jeeraale qaab suugaaneed ku dhiiri geliya ciidanka.

Sawirada hoos ka daawo

-DHAMMAAD-
IMG_9226

IMG_9222

IMG_9224

IMG_9232

IMG_9233

IMG_9236

IMG_9241

IMG_9246

IMG_9244

IMG_9242

IMG_9250

IMG_9249

IMG_9256

IMG_9252

IMG_9258

IMG_9265

IMG_9267

IMG_9269

IMG_9272

IMG_9275

IMG_9274

IMG_9273

IMG_9277

IMG_9283

IMG_9284

IMG_9286


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles