Muqdisho–29 Nov.2014–Pi–Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali loo qaado Codka kalsoonida sidaasna Mooshinkii loo keeno Baarlamaanka si buuq la’aan ah.
Xildhibaanada taageersan R/Wasaaraha Soomaaliya kana soo horjeeday Mooshinka ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaadeen in Mooshinka la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya loona maro moohinkaasi qaab sharci ah.
Waxaa lagu heshiiyey in Mooshinka loo qaybiyo Xildhibaanada maalinta Talaadada, Arbacada ayaa xildhibaanada lasiiyey iney soo akhristaan Mooshinka, Maalinta khamiistana ay Xildhibaanadu isugusoo laabtaan Baarlamaanka ayna ka doodaan Mooshinka, Subaxa sabtidana waxaa la qaadayaa codka kalsoonida.
Ilaa hada macada sababta badashey mowqifka Xildhibaanadii kasoo horjeedey Mooshinka iyo waxa uu heshiisku ku salaysan yahay.
Howlwadeenada Puntlandi oo isku dayay iney la hadlaan xildhibaanadii diidanaa mooshinka ayaysan suura galin ilaa hada oo teleefanada ma qabanayaan laakiin wali waan ku howlanahay inaan jawaab ka helno.
Puntlandi kala soco wixii soo kordha iyo xogaha aan raadineyno.
Puntlandi.com
Muqdisho