Ka dib kulan dhexmaray Madaxweynaha iyo wakiilo ay soo dirsadeen Xildhibaabada Diidan Mooshinka uuna goobjoog ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu heshiiyey in labada garab ee Xildhibaanadu ay wada halaan.
Kulanka ayaa lagu heshiiyey in labada garab ee Xildhibaanadu ay qolo walbaa soo dirsato Shan xubnood ayna kuwada hadlaan Madaxtooyada dhexdeeda.
Xildhibaanada diidan Mooshinku way soo dhaweeyeen wada hadalka waxayna durba iskasoo dhexdoorteen 5 xubnood oo wadahadalka u matalaya.
Xildhibaanada U ololeynaya Mooshinka oo ugu dambeyn maanta laga sugayay shantoodii xubnood ayaa maanta sheegey ineysan aqbalayn wadahadalka lagu baaqay aysana soo dirsaneyn xubno iyaga matala.
Waxay kaloo Xildhibaanadu sheegeen iney wali ku adkeysanayaan iney Mooshinka keenaan Baarlamaanka maalinta Axada ee 30.11.2014.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo isagu gadaal kasoo riixayay mooshinka ayaa shalay kulankii uu la qaatey xubno ka tirsan Xildhibaanada diidan mooshinka waxay isla meeldhigeen in la qaato go’aankii Gudoonka Baarlamaanku uu ku joojiyey mooshinka isla markaasna ay wada hadlaan Xildhibaanadu laakiin go’aanka ay qaateen Xildhibaanada u ololaynaya Mooshinka ayna ku diideen talooyinka lasoo jeediyey ayaa u muuqda mid shaki badan ka muujiyey dhinaca madaxweynaha oo u muuqda inuu laba kaar ciyaarayo madaxweynuhu uuna wax ka ogyahay diidmada qayaxan ee kasoo yeertey Xildhibaanada u ololaynaya Mooshinka.
Dhinaca kalena sida ay Howlwadeenada Puntlandi warka ku helayaan Xafiiska Madaxweynaha ruuxooda ayaa dhexboodaya Xildhibaanada u ololaynaya Mooshinka waxayna ku dadaalayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu ka noqdo go’aankii uu ku laalay Mooshinka isla markaasna la maaweeliyo Xildhibaanada diidan Mooshinka.
Puntlandi.com
Muqdishp