Wararka soo gaaraya Puntlandi waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Xildhibaanada u ololeynayay Mooshinka ku amrey iney raacaan go’aankii Gudoonka Baarlamaanka ee lagu joojiyey Mooshinka ilaa amar dambe, isla markaadna ay Xildhibaanada u ololeeya Mooshinka ay joojiyaan Mooshinka ay sheegeen iney Baarlamaanka keenayaan Maalinta axada ee todobaadkaan.
Xildhibaanada watay mooshinka oo ka duulaya hadalka Madaxweynaha kasoo yeerey maanta ayaa dhankooda sheegey iney baajiyeen balantii ay ku baaqeen Maalinta Axada oo ay horey u sheegeen in maalintaas la qaybinayo Mooshinka.
Xalay ayaa Madaxweynuhu u yeerey Xildhibaanada diidan moosginka wuxuuna isku dayay inuu ka dhaadhiciyo mooshinka balse wada hadalkaas wuxuu ku dhamaadey guul daro tasaana keentey in Madaxweynuhu uu is hortaago kulan ay Xildhibaanadiisu ku baaqeen inuu dhaco axada.
Puntlandi.com
Muqdusho