Waxaan ogayn in khilaafka madaxwayne Xasan Sheekh iyo raysalwaraasre Cabdiweli Sheekh Axmed caddaadiska ugu balaaran uu saarna garbaha guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Waxaan kaloo ogayn in Jawaari labadii guddoomiye ee ka horeeyay uu kaga duwan yahay xirfada macquul-u-samaynta tilaabooyinka siyaasadeed ee laga yaabo inay raad taariikheed reebaan.
Asbuucii dhawaa waxaa lagu xamanayay Jawaari inuu labada kooxood ee siyaasada isku haysta uu marba qolo muusigeeda si xirfadaysan ugu garaacayay. Laakiin, maanta waxay u muuqataa inuu qiil u waayay kooxda madaxwaynaha oo dhegta u taagayay erayada qaaliga ah ee Jawaari afkiisa ka soo bixi karay – “Mooshinkii waa gudbay dowladii cabdiwelina kalsoonidii baarlamaanka way wayday”. Ma noqon saas.
Waxaan maanta ka maqalnay Jawaari cagsigeeda oo u eg hadal aad la isagu dayay in la marsiiyo macquulnimada iyo sharciyada, maadaama maanta gollaha baarlamaanku u muuqday meel buuq iyo fowdo ka taagnayd.
Jawaari wuxuu sheegay in la laalay mooshinkii la rabay in dowladda lagu rido, maadaama xiisad siyaasadeed ay dhextaal baarlamaanka oo u baahan in la xaliyo intaan lagu soo celin mooshinka mar kale baarlamaanka.
Raysal-wasaare Cabdiweli oo neef kululi ka soo kuday ayaa hadlay oo amaanay guddoonka iyo xubnihii baarlamaanka ee ka gilgishay “mooshinka aan sharciga ahayn”. Sidoo kale, PMku wuxuu eed balaaran dusha uga tuuray madaxwaynaha oo uu ku eedeeyay in madaxwaynuhu villa Somalia ka soo abaabulay mooshin ujeedadiisu tahay in lagu badbaadiyo wasiir ay madaxwaynaha saaxiibo yihiin.
Hadda bannoonigu wuxuu yaalaa yoolka kooxda madaxwaynaha. Waxay u muuqataa in caawa Villa somalia laga fuudayo kafee badan.
Waxay u muuqtaa in waddadii baarlamaanku ka xirantay taageerayaasha madaxwayne Xasan iyo Daamujadiid.
Su’aalaha taagan waxaa ka mid ah kuwaan:
- Muxuu tilaabo ah oo uu madaxwaynuhu hadda qaadi karaa?
- Ma laga yaabaa kooxda Daamujadiid qoryahooda inay ku jeediyaan Jawaari oo diiday inuu u aadan-madoobeeyo?
- Ma laga yaabaa in wasiirada Daamuljadiid oo taageersan madaxwaynaha doortaan caddaadis ay saaraan PMka isna casilaan?
- Ma laga yaabaa inuu Xasan Sheekh qaado waddadii Cabdulaahi Yuusuf oo isaga casilay madaxwaynenimada kadib markii PMka, baarlamaanka iyo bulshadda caalmku isku dhinac ka mareen.
- Suuragal ma tahay in madaxwaynuhu u hoggaansamo dastuurka oo PMka u daayo howshiisa fulineed?
- Ma jiri karaa dhaqdhaqaaq dhexdhexaadin ah oo labada masuul dhexda la isagu keenayo? Maxaase lagu heshiin karaa?
Haddii kooxda madaxwaynuhu dagaal u cadaystaan af-hayeenka waxay noqonaysaa furin kale oo khilaaf siyaasadeed oo ay iyagu iskood iskugu fureen, taas oo aysan ka macaashayn.
Haddii madaxwaynuhu ku dhiirigaliyo wasiirada taageertsan isaga inay is-casilaan waxay PMka u noqonaysaa haadaan yar oo uu si fudud uga tilaabsan karo oo wuu badali karaa kii is-casilaba.
Haddii madaxwaynuhu qaayibo inuu la shaqeeyo PMkiisa isaga oo aan faragalin ku samaynayn shaqadiisa waxay noqonaysaa in qorshihii xerta Daamujadiid uu halkaas ku fashilmay oo ay tahay in si dabiici ah oo loo siman yahay loo abaaro hiigsiga 2016.
Haddii madaxwaynuhu goosto inuu maro waddadii uu jeexay Cabdulaahi yuusuf ee is-casilaada waxay noqonaysaa geesimo wayn oo ka timaada ninka qosolka badan.
Isku soo xoori oo hal maalin oo uu khilaafkani sii socdo waxay dharbaaxo ku tahay siyaasada Madaxwayne Xasan Sheekh oo u muuqda mid maalinba maalinta ka danbaysa sii wiiqmaya.
Bal aan dhawrno