Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Dhagayso) RW xigeenka Ridwaan Xirsi “Wasiirkii u arka inuu la jaanqaadi Karin shaqada Golaha Xukuumadda waxaa u furan inuu iscasilo’’

$
0
0

R’aiisul Wasaare kuxigeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xersi Maxamed ayaa si kulul fariin ugu direy Xubnaha  Wasiirada ee Xukuumada FS, ka dib markii ay soo shaacbaxeen Wasiiro ku xigeeno Saxaafadda ka sheegay inay Warqad u qoreen Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankii Golaha Wasiirada DF ee maanta ay Muqdisho ku yeeshen Golaha Xukuumadda ka dib,ayaa Ra’iisul wasaare Xigeenka DFS Ridwaan Xirsi Maxamed uu Saxaafadda u  sheegey in Wasiirkii ama Wasiir ku Xigeenkii daacad u noqon waaya Ra’iisul wasaaraha ama Shaqadiisa kasoo bixi waaya uu xafiiska baneeyo, Waxaa la magacaabayaa mid badala oo daacad u ah shaqada iyo Masuuliyiinta xukuma.

‘’Wasiirkii u arka inuu la jaanqaadi Karin shaqada Golaha Xukuumadda waxaa u furan inuu iscasilo,oo xilka uu baneeyo oo waxaa lagu badalayaan cid kale ay shaqadiisa qabato’’Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFS.

Ra’iisul  wasaare Xigeenka ayaa hadalkiisu jawaab cad u ahaa Wasiiro saxaafadaha ka sheegey iney Warqad u qoreen Ra’iisul wasaaraha,kana dalbadeen inuu is casilo, warqadaasoo ka dib la ogaadey ineysanba u dirin Ra’iisul wasaaraha ee ay u direen Saxaafadaha Muqdisho.

Xubno ka tirsan Golaha shacabka oo lagasoo abaabuley Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku guul dareystey iney Baarlamaanka mariyaan Mooshin ka dhan ahaa Xukuumada, waxaana muuqanaya in hadda wajiga labaad ee dagaalka DAMJADIID uu u wareegay Golaha Wasiiradda,laakiinse Xukuumadda ayaan u joojinayn oo wadata hawlaheeda shaqo

Halkan ka Dhagayso Fariinka loo diray Wasiirkii doonaya inuu shaqada ka tago;-

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles