Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u Xilsaartey Arimaha Soomaaliya Nickolas Kay ayaa isagoo kusii jeeda Shirka Hiigsiga Cusub Soomaaliya ee Beri ka furmi doona Copenhegan wuxuu Bartiisa Twitter-ka kaga hadley Shirka uu u socdo.
Nickolas Kay wuxuu Twitterka kusoo qoray Sidaan.. “Waxaan kusii jeedaa Shirka Copenhegan, Warkii Wanaagsanaa(Shirkii wanaagsana ee Rajada wanaagsan lahaa) Waxaa hoosaasisey Qalalaasaha Siyaasadeed ee u dhexeey Madaxda Soomaaliya, Tasoo horseedey in shirku curyaamo, Beesha Caalamkuna ka niyad jabaan, Shakina muujiyeen.”
Hoos ka akhri qoraalkii Mudane Kay soo dhigey Bartiisa Twitterka
On way to #Copenhagen #Somalia Ministerial. The good news overshadowed for now by political disunity, paralysis international concerns.
Shirka ayaa beri oo 19 Novembar ah furmaya sidii qorshuhu ahaa balse waxaa la filayaa in Wafuud badan oo Beesha Calamka ka socda ay gooynayaan halka wadamada qaar oo la qorsheynayay iney soo diraan Wasiiradooda Arimaha dibabada ay hada soo diraan Wafuud ka hooseysa.
Puntland ayaa iyana hoos u dhigey Wafdiga uga qayb galaya shirka oo awal ahaan lahaa heer Madaxweyne hadase waxaa imaanaya Wafdi heer Wasiir ah.
Hadalka kasoo yeerey Ergayga Qaramada Midoobey wuxuu muujinayaa in Gabi ahaan ay Beesha Caalamku aad uga xumaadeen ugana niyad jabeen in Masuuliyiinta Dowlada Federaalku ay kaalintooda gabeen isla markaasna ay iska dhaga tireen talooyinkii Beesha Caalamka ee ahaa in khilaafka la xaliyo intaan la imaan Shirka Copenhegan.
Xalay Waxaa Copenhegan soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh.
Puntlandi.com
Copenhegan-Denmark