Waxaa goor dhaweyd Xalane kusoo dhamaadey kulan dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ka koobnaa Maraykan iyi EU. Waxaa sidaas kusoo waramaya Puntlandi.com
Safiirka Maraykanka ayaa hogaaminayay Wafdiga waxaana kulanka kasoo baxay in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu joojiyo Mposhinka ka dhanka ah xukuumada, In Madaxweynuhu aqbalo isku shaandheyntii golaha Wasiirada iyo in Raysal wasaaruhu wada tashi la sameeyo Madaxweynaha.
Wagdiga Beesha Caalamka ee Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu yeertey Xalane waxaa ka mid ahaa Safiirada UK, Sweden, Denmar iyo Kan Maraykanka oo hogaaminayay,
Waxaa isna qayb ka ahaa kulanka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha QM Mudane Nickolas Kay.