Xildhibaano gaaraya 119 oo kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Federaalka oo maanta hadley ayaa sheegey iney Gudoomiyaha Baarlamaanka uga digayaan inuu Baarlamaanka keeno Mooshinka sharci darada ah.
Xildhibaanada ayaa hoosta ka xariiqey in Gudoomiye Jawaari looga baahan yahay inuu sharciga iyo Xeer hoosaadk u yaal Baarlamaanka uu dhowro, Xildhibaanadu waxay kaloo raaciyeen Gudoomoyuhu isagoo og meesha uu salka ku hayo mooshinkaan iyo meesha uu ka yimid haduu Baarlamaanka dhex keeno wuxuu ku xadgudbayaa Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Sida warka ay ku heleen Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka oo Puntlandi la hadley ,waxaa jira warar la helayo oo sheegaya in Xildhibaanada wada Mooshibku ay Gudoomiye Jawaari ku cadaadinayaan inuu Baarlamaanka furo beri oo Sabti ah isla markaasna xoog lagu meel mariyo Mooshi ka.
Puntlandi.com
Muqdisho