Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

WAR DEG DEG:—Madaxweynaha Puntland oo Shirkii Copenhegan ka baaqdey ka dib markii Shirkii qiimihiisii hoos u dhacay

$
0
0

breaking nes Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka baaqdey ka qaybgalka Shirka New Deal ee 19 iyo 20 Novembar ka dhacaya Copenhegan ee Denmark.

Baaqashada Madaxweyne Gaas waxaa sababay ka dib markii khilaafaadkii Madaxda Soomaalida uu sabab u noqdey in shirka rajadiisii ahaa hiigsiga 2016 uu hoos u dhacay isla markaasna Dowladaha Daneynanayay Shirkaan sida EU , IGAD, Jaamacadda Carabta, Hay’adaha Caalamiga ay go’aansadeen iney Shirka u soo dirsadaan Agaasimayaal halka ay Dowlada Maraykanku ay gabi ahaanba diidey iney kasoo qaybgasho, sidaas awgeed Dowlada Puntland waxay go’aansatay iney shirka usoo dirsato wafdi heer Wasiir ah.

Arintaan ayaa waxay dharbaaxo siyaasadeed ku noqoneysaa Madaxda sare ee Dowlada Federaalka ah ka dib markii ay dhameyn kari waayeen khilaafkii u dhexeeyey.

Warar Puntlandi heleen ayaa wuxuu sheegayaa in shirka ajandihiisii ahaa New Deal ee yaboohida lacagaha loogu deeqayo Soomaaliya in hadda loo badalo shir looga hadlaya Amninga iyo waxa ka qabsoomay.

Dowlada Denmark oo soo abaabushey Shirka New Deal ee ka dhacaya Magaalada Copenhegan 19 iyo 20 Novembar ayaa horey u sheegtey in la kansaley kulan qayb ka ahaa shirkaas ka soo ahaa kulankii Qurba joogta iyo Madaxweyne Xasan Sheikh.
Shirka Qurba joogta ayaa lagu casumay ku dhowaad 500 oo soomali ah oo ku nool Scandinavianka.

Kanasalida ay Dowlada Denmark kansashey kulanka Xasan Sheikh waxay muujineysaa in meekhaankii Madaxwaynaha hoos loo dhigey iyadoo ay jawaab cad u tahay khalkhalkhalka Siyaasadeed ee hada ka jira Villa Somalia
Faahfaahinta warkaan kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508