Magaalada Muqdisho ayaa ammaankeedu faraha kasii baxayaa, iyadoo dhamaan Dadka ajnabiga ah loogu baaqay iay Magaalada isaga baxaan oo ku xaroodaan xerada Xalane ama Nairobi.
Rasaas xoogan oo goos goos ah ayaa magaalada ka dhacaysay iyadoo laamaha ammaanku aysan wax wara u hayn rasaastaas dhacaysa, Mana jiro wax howlgal ah oo ciidanku sameeyeen.
Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen waxay sheegayaan in ammaan xumada ay sabab u tahay laamihii amniga oo ay curyaamiyeen khilaafka labada Masuul ee u sareeya Villa Somalia.
Dowlada Turkiga ayaa shaqaaleheeda u daad gureysay Xarunta Xalane oo ammaankeeda ay gacanta ku hayaan Beesha Caalamka.
Waxaa kaloo cabsi wayn æaga qabaa in la ugaarsado Xildhibaanada raacsan Raysal wasaaraha kuwaasoo hadda loogu baaqay iney isaga baxaan Muqdisho.
Puntlandi.com
Muqdisho