Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News– Gudoomiye Jawaari oo laad ku dhuftey Mooshinkii ka dhanka ahaa Raysal wasaaraha iyo Hogaamiyayaashii Baarlamaanka oo khilaaf ka dhex abuurmey

$
0
0

breaking nesMuqdisho–7 Jov.2014–Pi– Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa si aad ah uga caroodey in Mooshin laga keeney Xukuumada Raysal wasaare Cabdi wali loo dhiibo Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka iyadoo Gudoomiyihii joogo oo aan lasoo wargalin.

Gudoomiye Jawaari ayaa dib u celiyey Mooshinkii isagoo sheegey in si nidaam ah aan loosoo marin soo gudbinta Mooshinka.

Xildhibaanada Soo abaabuley Mooshinka ayaa waxay u gudbiyeen Gudoomiye ku xigeenka kowaad Mr.Jaylaani.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari oo isagu hada ah ku simaha Madaxweynaha ayaa Dastuur ahaan qaban karin shaqadiisii Baarlamaanka laakiin shaqadadiisa hadii uu ku xigeenkiisu qabanayo waxaa waajib ah inuu soo ogaysiiyo Gudoomiyaha, waana sababta uu mudane Jawaari dib ugu celiyey mooshinka maadaama aan lagusoo wargalin.

Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Arintaan waxay ku salaysan tahay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa oo muran siyaasadeed kadhexeeyey maalmahaan.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles