Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Madaxweyne Xasan Shiek oo intuusan Adis u duulin Baarlamaanka u gudbiyey Warqad uu kaga cabanayo Raysal wasaaraha, Jawaari oo Ka warwareegaya gudbinta warqadaan iyo Xildhibaanadii oo isu midiyo lisanaya

$
0
0

jawaariWarar aad loogu kalsoon yahay oo Howlwadeenada Puntlandi ay heleen ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Gudoomiyaha Baarlamaanka DF u gudbiyey Warqad uu uga cabanayo Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka,

Warqada ayaa Madaxweynuhu wuxuu ku sharxayaa inuusan la shaqayn karin Raysal wasaare Cabdiwali waxayna warqadaan u gogol xaareysaa Mooshin ka dhan ah Xukuumada RW Cabdiwali.

Xeeldheerayaal ku xeeldheer Siyaasada Soomaaliya waxay warqadaan ku tilmaameen mid lagu amrayo Xildhibaanada iney Mooshinkii keenaan Baarlamaanka isla markaasna la tuuro Xukuumada.

Kooxda Xildhibaanada ah ee Taageersan Madaxweynaha ayaa madaxweynaha waxay horey ugu sheegeen iney adagtahay Sharci ahaan iney Mooshin ka dhan ah Raysal wasaaraha ay keenaan Baarlamaanka iyadoon lahayn eedeyn lagu eedeyn karoo Xukuumada, Sidaas awgeed wadada kaliya ee Mooshinkaan lagu keeni karo ay tahay in uu Madaxweynuhu Baarlamaanka usoo gudbiyo Warqad cabasho ah oo uu ku cadeynayo inuusan lashaqayn karin Raysal wasaaraha, Xildhibaanadaan waxay kaloo Madaxweynaha usheegeen in markii ay Warqadaas timaado Baarlamaanka ay howsha Mooshinka bilaabayaan, waxay sugaana ay tahay oo qura Warqadaas,

Warqadii maanta ayuu Madaxweynuhu ugudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka inkastoo Gudoomiye Jawaari uusan ku faraxsaneyn in Warqadaas uu u gudbiyo Baarlamaanka waayo horey ayuu Gudoomiyuhu u sheegey inuusan marnaba aqbalayn Mooshin lagu kala qaybinaya Xildhibaanada Baarlamaanka, Dhinaca kalana Gudoomiye Jawaari wuxuu walwal ka qabaa inuu wajigabax kala kulmo Beesha caalamka oo iyagu hadii mooshinkaas la keeno Baarlamaanka u midiyo lisaneya Madaxweynaha iyo kooxaha loogu yeeri doono Qaswadayaasha, Qaswadayaashasoo aan lagarayneyn cida ay noqon doonaan.

Dhinacna Gudoomiye Jawaari wuxuu ciyaarayaa kaarto kale oo ah awooda Maamulka Koonfur Galbeed oo isaga iyo Shariif Xasan ku loolamayaan.

Shariif Xasan wuxuu Garab ka heystaa Madaxweyne Xasan Sheikh, Markii Raysal wasaare Cabdiwali uu ka warhelay in Shariif Xasan uu afduubey shirkii Baydhabo ayaa Raysal wasaaruhu amar ku bixiyey in shirka la joojiyo lagana qayb galiyo garabyo ka maqan Madasha shirka, talaabada Raysal wasaaruhu ka qaadey Shirka Baydhabo ayuu ku kasbadey taageerada Xildhibaanada Digil iyo Mirifle oo maanta garabtaagan Raysal wasaaraha,Gudoomiye Jawaari qudhiisu wuu u riyaaqay talaabada uu Raysal wasaaruhu ka qaadey Shirkii Baydhabo.

Iskusoo duuboo waxaa hada la sugayaa talaabada uu qaado Gudoomiye Jawaari oo gacanta ku haya Warqada uu madaxweynuhu usoo direy Baarlamaanka, Iyadoo Gudoomiyuhu ogyahay in Warqadaan ay nal cagaaran u daarayso Dardar galinta iyo bilaabida Mooshin ka dhan ah Xukuumada, Mooshinkaasoo gudoomiyuhu ogyahay inuu yahay mid Madaxweynuhu soo abaabuley oo uusan ahayn mid ku yimid rabitaanka Baarlamaanka.

Muqdisho waxaa iyana dhinac kaga jira kudhowaad 110 Xildhibaan oo dagaal ka xiga in Mooshinkaas la keeno Baarlamaanka waayo waxay u arkaan mid sharci daro ah oo ku saleysan dano shaqsiyadeed.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles