Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Raysal wasaare Cabdiwali oo diiidey inuu shilin laa’luusha siiyo Xildhibaanada

$
0
0

Raysalwasaraha cusub okMuqdisho–4 Nov.2014 (Pi)– Sida ay Howlwadeenada Puntlandi xogta ku heleen Waxaa maalin dhaweyd Raysal wasaaraha u tagay koox Xildhibaano ah oo siyaasad ahaan isaga taageersan, Xildhibaanada ayaa Raysal wasaaraha u sheegey in Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Kooxdiisu ay iibsanayaan Xildhibaanada si ay usoo maloogaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada, Waxay Raaciyeen oo kale in ugu yaraan 50 Xildhibaan ay lacagtaas qaateen, wakhtigaas wuxuu ahaa sadex cisho ka hor.

Xildhibaanada booqdey Raysal wasaaraha xogtaas ka dib waxay usoo jeediyeen talo ah inuu isna furo kaasadiisa lacagta iyagoo xildhibaanadaas ay hoosta ka xariiqeen ineysan iyagu lacag rabin laakiin si ay isaga difaacaan Mooshinka waa iney helaan Qaar ka mid ah Xildhibaanada beeca ah.

Sida uu Puntlandi u sheegey shaqsi goob joog ka ahaa kulanka Xildhibaanada iyo Raysal wasaaraha, Raysal wasaare Cabdi wali wuxuu Xildhibaanada ugu Jawaabey Sidaan “Shilin lacag ah oo Laaluusha bixin mayo, idinkunaa sidaad u aragtaan in Danta guud ku jirto raaca”.

Sidaas ayay kukala tageen Xildhibaanadii iyo Raysal wasaaruhu.

Sida aan xalay xogta ku helney Kooxda Madaxweynuhu waxay illaa hada iibsadeen 85 Xildhibaan, Waxaa horey Xafiiska madaxweynaha ugu hoosnoolaa 45 xildhibaan, isugeyn waa 130 Xildhibaan, Xalay ilaa saaka waxay kooxda Madaxweynuhu suuqa ugu jiraan gorgprtanka Xildhibaano iyagu dalbadey lacag qaali ah in lasiiyo.

Xafiiska Madaxweynuhu waxay Xildhibaabada ay hada hestaan Fareen in kulanka Baarlamaanka looga doodo Khilaafka labada masuul si loogu ekeysiiyo mid sharci ah Mooshinka kadibna magac iyo ujeed loosoo sameeyo.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles