Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin “Beesha Caalamka oo Tiri hala joojiyo Laaluusha la siinayo Xildhibaanada iyo Madaxweyne Xasan sheikh oo arintaas ka jawaabay”

$
0
0

xasan vs abdiweli

Khilaafka u dhexeeya Raysal Wasaaraha- iyo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta maraya meel uu cudurkii usii fidey Beesha Caalamka, sida ay Puntlandi warka ku hayaan

Maalmahaan waxaan qarsoonayn oo wadooyinka Muqdisho yaala Olole lagu abaabulayo Mooshin ka dhan ah Raysal Wasaaraha oo ay Wadaan Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha kasoo laaluush lagu siinayo Xildhibaanada Dowlada Federaalaka Soomaaliya si Mooshinka loo geyo baarlamaanka.

Ololahaan ayaa waxaa durba jawaab adag ka bixiyey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay oo yiri sidaan “Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,” ayuu raaciyay. “Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican.”

Waxa uu Nickolos Kay ka digayo waa wax jira mana uusan ka hadlin Wax wax u dhimaya jiritaanka iyo Madaxbanaanida Shacabka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub oo taageeraya Qoraalka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa iyana soo saarey Qoraal iyagoo sida uu Kay yiri iyana ka digay sharci darada iyo Qaswadanimada lagu abaabulayo majaxaabinta Xukuumada, Waxaa Qoraalkii EU kamid ahaa “We therefore urge all to desist immediately from actions that will only damage the country as it seeks to unify itself in peace and prosperity. We call on the President and Prime Minister to heed the advice of those who can offer pragmatic solutions, commit to work together and focus immediately on the nation’s core priorities until 2016.
Parliament, as the primary organ of the Federal Institutions, has a special responsibility in these times and we call upon members of the legislative to respect the integrity of the process and the institutions. It is an issue that we, as a main donor, will be monitoring closely.”

Hadalada kasoo yeerey Beesha Caalamku waa dharbaaxo ku socota Madaxweyne Xasan Sheikh oo ay dareensan yihiin inuu ka dambeeyo Laaluusha iyo mooshinka looga digayo Xildhibaanada, Madaxweyne xasan wuxuu durba ka jawaabay Hadalkii Beesha Caalamka isagoo u hadlaya sidii wax loo dhimay Madaxbanaanida Soomaaliya, wuxuuna yiri..
“Waxaan hadda ku baaqayaa in mabaaddii’daas la xaqdhowro. Waxaan ku baaqayaa in la dhowro Xuquuqda Soomaaliya ee madaxbannaanida isla markaana uu qeexayo Dasttuurka Federaalka ah ee ku meel gaarka ah, ee ku wajahan in ay mustaqbalkeeda iyadu go’aan ka gaarto, mustaqbal ay go’aaminayaan dadka Soomaaliyeed, Hey’adaha Federaalka iyo shuruucdeenna,Waxaan mar kale u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka ka go’an tahay Higsiga 2016, si loo xaqiijiyo in Dastuurka dib loo eego, la turxaan bixiyo, aftina lagu ansixiyo, in Federaalka la dhammaystiro iyo u diyaargarowga doorashada 2016 uu xowli ku socdo. Ma diidsanin in howl badan ay na sugeyaam, wakhtiga lagu fulin lahaana uu yar yahay. Si kasta oo xaaladdeennu u qallafsan tahay, wax qabasho la’aan, dhinaca ay doonto ha ahaatee, lama aqbali doono, Aniga oo fahmaya walaaca Beesha Caalamka, haddana sida ugu habboon ee loo taageeri karo Hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Hey’adaheedu waa in la xaqdhowro, loona oggolaado in ay afkaartooda kala duwan ay ku xalliyaan si sharci ah ayada oo loo marayo hey’adaha jira oo iyagu hadda ah hey’ado soo bislaanaya”.

Qoraalka uu Madaxweynuhu saaka u qaybiyay saxaafada haba yaraatee kuma jiro wax ka hadlkaya Laaluusha sida cad wadooyinka loola taagan yahay ee loo qaybinayo Xildhibaanada inagoo ogsoon meesha lacagtaas ka timid iyo cida loogu tala galay, Walaaca Beesha Caalmka iyo Hadalka Madaxweynaha hadaad isbarbar dhigto waxaad dareemeysaa in Beesha Caalamku ay iyagu illaalinayaan Madaxbanaanida iyo Xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.

qoraalkaan hoose wuxuu muujinayaa sababta keentey walaaca Beesha caalamka iyo Xoolaha uu Xasan Sheikh ku goodinayo inuu xukuumada ku rido

  • Dowlada Norway waxay bixisaa Mushaarka dhamaan Shaqaalaha Dowlada Federaalka laga bilaabo Madaxweynaha ilaa kan dhulka dhaqa.
  • Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa Mushaaradooda Bixiya Midowga Yurub.
  • Ciidamada Dowlada Federaalka Mushaarkooda waxaa iska kaashada Maraykanka iyo EU iyo Xoogaa xoog looga qaado Carabta.
  • Amisom warkoodu waa cad yahay oo hadii Dollarka ay magaca Soomaaliya ku qaataan ay saaxad waayaan waxay wacaan New York.

Waxaas oo Kharashaad ah waxay si dadban iyo si toosaba u hoosyimaadaan Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya UNSOM.

Puntlandi.com

Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles