Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Tacsi, Shaqaala Xafiiska Raysal wasaaraha oo ka tacsiyeynaysa geeridii ku timid Marxuum Maxamed Axmed Bile oo Malaysiya ku geeriyoodey

$
0
0

tacsiMuqdisho, 27, Oct, 2014.. Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Cabdiqaadir Cabdi Faarax iyo dhammaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Maxamed Axmed Bile oo kamid ahaa howl-wadeenada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, marxuumka oo ku geeriyooday xalay dalka Malaysiya.

Hadaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida marxuumka, ayaa waxaan alle uga baryaynaa in uu jannaadiisa ka waraabiyo.

“ Innaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaan tacsi u dirayaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Axmed Bile oo xalay ku geeriyooday dalka Malaysiya, marxuumku wuxuu kamid ahaa xubnaha fir-fircoon ee ka shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha gaar ahaan waaxda IT-ga, waxaan alle uga baryaynaa in uu jannaadiisa ka waraabiyo” ayuu yiri Mudane Cabdiqaadir Cabdi Faarax.

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles