Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah — Xafiiska Raysal wasaaraha DF oo beeniyey warar lagu baahiyey barta Facebook oo lagu baahiyey Magaca Raysal wasaaraha

$
0
0

Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa sheegey iney jiraan dad gaaraya 10 Qof oo Barta Facebook ku wata Magaca Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya kuwasoo qaarkood ay xalay baahiyeen warar ay ka dhigayaan Qoraal uu Raysal wasaaruhu qorey, Qaar kamid ah saxaafadaha ayaa soo xigtey qoraalkaas.

Xafiiska Raysal wasaaruhu wuxuu cadeynayaa in qoraaladaas ay yihiin been abuur, Raysal wasaarahuna malahan Barahaas.

Wararka xalay lagu baahiyey Facebook-ga oo laga dhigayay inuu Raysal wasaaruhu qorey ayaa waxaa baahiyey Dad magaca RW ku samaystey bog Facebook.

Xafiiska Raysal wasaaruhu waxay hoosta ka xariiqeen ayna cadeynayaan inuusan jirin wax Qoraal siyaasadeed ah oo uu raysal wasaaruhu soo dhigey Facebook-ga shalay ilaa saaka.

Qoraalkaan been abuurka ah ayaa loogu jawaabayay Hadalkii Qoraalka ahaa ee Madaxweyne Xasan Shiikh ku sheegey inuu qaadacay Wareegtadii uu Raysal wasaaruhu isku shaandheyna ugu sameeyey qaar ka mid ah golihiisa Wasiirada.

QOraalka been abuurka ah waakan hoose iyo kuwo kale
Screenshot_2014-10-25-20-46-21


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles